adoon ila jooginoo
jira dal iga fogbaan
raxlayn kuu jimiimicoo
adaa jalmashada alkumay

wiiloow nafta kuu jibaysan
jeelbay kuugu iilantahee
kaamay filayndhabar jabintee
hadaad bahdishay jacaylkii
wadnaha jiidhku kuugu yaal
sideen kaaga jari karaayaa

adaa jirjiroolo noqdoo
cakuye cidlo kaga jiitoo
jeerna i xurmayni waayee
hadaad jabisay wacadkee
ALAHA waynbaa jira oo
tiirini taladayda jiifta

adoo i jikaarayooo
waliba iga jeestaybaan
jacayl kuu sii hayaa

xiisahaagan igu laba jibaarmoo
dhankaaga igu soo jujuubee
hurdo jiibsan waayoo
adaa jaaraystay laabtee
wadnaha jiidhlka kuugu yaal
sideen kaaga jari karaayaa

Exit mobile version