adoon rafaadiin
igu dureebin
gadhka ku haysta
kaama ridayee
ha igu dureemine
raaxayso wiilyahow

raysan maysidee
tii ku riyaaqdaba
hadaa u roorto
daba ruclayso
adaa rafaade
raaxayso wiilyahow

rajo halaysaad
raadinaysaa
rug kaa fogaata
daba ruclaysaa
riyo xumaanta
adaa riyoode
ha igu riyoonine
raaxayso wiilyahow

adoon is wiiqin
dana gobyoonin
runtana diidin
adaa is reebe
ha igu dureebine
raaxyso wiilyahaw

adoo ramaasiyo
rug dhow la jooga
shalay ka roorte
dhuxda ku diide
ha raadin maante
raaxayso wiilyahaw

rajo halaysaad
raadinaysaa
rug kaa fogaata
daba ruclaysaa
riyo xumaanta
adaa riyoode
ha igu riyoonine
raaxayso wiilyahow

Exit mobile version