Naftaydu ruuxbay rabtaa
Rafiiq dhababay rabtaa
Jacayl runabay rabtaa

Rugiyo guurbay rabtaa
Reeriyo qoysbay rabtaa
Raaxiyo nololbay rabtaa

Ma rabo mid ragaadiya ah
Ma rabo raraniyo kulayl
Ma rabo ruux toban wajile
Ragaba qaarbaanan rabin

Naftaydu ruuxbay rabtaa
Riyaaq farxadlay rabtaa
Kalgacal raagayeey rabtaa

Ramaas dooglay rabtaa
Romatic dhabay rabtaa
Raxmadiyo daganeey rabta

Exit mobile version