anoo oori kuu ahoo
awlaada wada dhalnayoo
danteena ilaaliyooo
waliba ku adeecsan baa
samaha ka abaal dhacdee
intuu rabi uumay wiil
hadii aan kaa eeganjiay
aduunkana kuu jeclaa
dhibtana u adkeysan jiray
dulqaad kii iga idlaa
aaraarta aan gaabiyee
hadaan kuu ooyi jiray
uurkiyo kaa jaray qalbiga
agtaadana waan ka tagay

mudaan urugon jiroo
ifkiyo noloshaba nacee
kolkaan ku ilaaway adi
ilaysbaa ii baxooo
imaankaa ii xasiley
ka guuray aawaarihii
ka doogay abaarihiii
ka raystay inkaarihii
aflaxay guushii hantiyey
allaa garabkayga galay
araarta aan gaabiyee
hadaan kuu ooyi jiray
uurkiyo kaa jaray qalbiga
agtaadana waan ka tagay

Exit mobile version