Xubigeena Gamuray
Libinteesii gaadhneeee
Gab ka dheh
Xubigeenan Godolka ah
Xiisaheenan Gaarka ah
Gab ku dheh

Gacantaydi Midigiyooo
Garabkaygi Baadtahee
Gab ka dheh
Gashaankii Naftaydiyo
Geesigaygi baadtahee
Gab ka Dheh

Jacaylkeenu Waa Gob
Gab ka dheh
Nasteex Uu Gurtoooo
Gab ka dheh
Nacab Aanu Gaadhino
Gab ka dheh
Xaasid Aanu Goosanee
Gab ka dheh
Gab ka Dheh Namiimka
Gab ka dheh
Gab ka Dheh Xabiibiiiii
Gab ka dheh

Wanaagenu Gudhi maayo
Mana Gaagaxaayeeeee
Gab ka Dheh
Isla Garanay Danteenoo
Axdigeenii Gunudneeee
Gab ka dheh

Garashada Xiskaygiyo
Garaadkaygi Baadtahe
Gab Ka dheh
Farxadiyo Guulaheenu
Gaar Bay Inoo Taheee
Gab ka Dheh

Jacaylkeenu Waa Gob
Gab ka dheh
Nasteex Uu Gurtoooo
Gab ka dheh
Nacab Aanu Gaadhino
Gab ka dheh
Xaasid Aanu Goosanee
Gab ka dheh
Gab ka Dheh Namiimka
Gab ka dheh
Gab ka Dheh Xabiibiiiii
Gab ka dheh

Exit mobile version