marbaad mulkiyo maamuus lahaydo
aragaagu meel dheer iiga muuqan jirayee

maantana mid kalaa nafta maamusho
muftaaxa u hayee maxaan kuu samayn

kaa tiray maankiyo meeshaad ku taaloo
igadaa mashquulkiyo misidhkala badanoo
adaa keenay murankoo mushkilada abuurayee

marbaad malabiyo macaan ii ahaydoo
meesha aan ku siiyo mabsuud kugu ahaa

maantana naftaa kaa maarantee
maarayso taadoo midigtayda sii daa

Exit mobile version