xikmad iyo waayahaaga
xalkankiyo garashadaada
xisaab li'i maanka raacay
ayaa jecel xeerintaada

jacaylka markaad xurmaysay
ayuu nacabkii xabaalmay
markaan aniguna xushmeeyay
ayaan xidagaha u duulnay

baftaydaan u xilsaaray
xiskeenu inuu midoobay
waxa laga xaal ogaaday
sidaan isu xeerinayno

xaqsoor samow hiilintaada
xurmayntiyo diir naxaaga
sidaad xumo iiga dhawrto
ayaa xididada dhex qaaday

jacaylbaa yaal xagaaga
qalbiga kolna maad xujaynayin
xayaatada maad nacsiine
waxaad u xanbaartay xaasha

Exit mobile version