adigaba hortaa ma
haasaawin jirin
haweenkana adaan
hadal kugu bartee
waxa tahay hormuud

jacayl heer kan leeg
intan jiray ima helin
hibashada kalgacal
naftaa ii hurtoo
ma hilmaami karo

fani kartida
hanka kugu jira
i hogaamiyo
hacker iga dhigee
i hareera joog

waxa tahay halyey
ubad loo hayiyo
hanad geesiyiyo
harac lala gamee
hab isii macaan

hanaan iyo hubqaad
heegada ileyn
habala dheertaho
ruux kula hadlaa
ma hamansadee

hibad qurux kartiyo
ragu kaaga hadhay
heesimo badan
wuxu kaga hurdaa
hore uga kacee

fani kartida
hanka kugu jira
i hogaamiyo
hacker iga dhigee
i hareera joog

waxa tahay halyey
ubad loo hayiyo
hanad geesiyiyo
harac lala gamee
hab isii macaan

Exit mobile version