Jacayl i luraayabaa
Laaciisii ii baxoo
Wuxuu leebku iiga yimid
Meelaan lugtu gaadhi karine

Laxawgan igu sii batee
Laylkii iga jaray hirdada
Luriyo dhibta uu i badayeey

Inaan liibaan heliyo
Lugooyo inaan mutaysto
Labadaa miduunbay ahaan

Midkii laabtayda iyo
Lagiyo wadnahayga dagay
Lamaano inaan ahaano
Ayaan love ugu ahaye

Marnaba ima uu lumine
Ladaabtiisa caashaqiyo
Laxawga wuu ila qabaa

Exit mobile version