habibaan ku ahay jacaylka
habeen qudha oon ku waayo
hello tilfoon la'aantu
hadaan wayo ma seexdo

halyaygaygu macaane
habkiyo noloshaydu haatan
ogow hantidii aduunka
inaan helaybaan dareemay

anigu adigaan hugaaga
hoobeey hanadow hoobeeyd
hooyada ubadkeeda haysa
xayaati amarkana u heelan
hope-geeda iyo futur heelan
really haysatoon halaynin

hadeer iyo maanta heedhe
hadhaw iyo hees walwaalo
hadaan hawraar jacaylka
habeen iyo maalin qaado

hubaal wadnihiyo gadhkiisa
anaa huba oo dhanxiirku
inuu hadal
iyo xumaanta
halkiisa colaad ka haybin

Exit mobile version