Ma ayaamahaygaa
Ka araday nasiibkii
Ma ishaaradii baan tufku iigu ool wali
Inata wali adeegtiyo
Ma ijaasadaa
Maqan
Arbacada jacaylkaa kaa ajuuree dhiibaw
Aqbalkaagu dheeraa
Ergo saw masoo diran
Ilmo saw masoo farin
Adna saw itaalsiga
Ka adkayso maad odhan
Ma awoodahaygaa
Tamar iyo itaal daran
Ma garaad asqoobaan
Ku arimi is leeyahay
Ma iska mala awaal baan
Ku adaroosay caashaqa
Mise erayadaydiyo
Oohintaydan hoortaa
waxba kuugu ool adi

Exit mobile version