naf kuu heelan adigoo
nasteex kuu ahaydoo
niyad kuu jeclaatiyoo
qalbi kugu nagaadoo
kuu nugul adaa nacay

naruuradii kalgacalkiyo
nuurkii ka bixi jiray
adigaa nusqaanshoo
kaa nuuxsan waayoo
naawilay waxaan jirin

nidarkii dhexdeeniyo
adaa nabadii gooyoo
adaa naq been ahaadee
waxba ha ii nayaayirinee

nabdigan kuu baaha adigoo
naxli kaa ilaashoo
nacfi kuu ahaydee
nujub kugu ahaan wali
eed ku nasan lahayd ahayd

Exit mobile version