qofbaa jira aad qalbiga
tidhaa furihiisa qabo
adaa u qalmee gudoon
hadana caashaqa qawada

caashaqan qudhiisaba
anaa qardo jeexayoo
qofaan i rabin jantoo
qalbigu yahay dhagax dixeed

qiyaastii halbeeg jacayl
qadhaadhiyo waa macaan
qareeniyo male digtoor
qaynuunka ku maamuloo
qoontii loo gaysto dhaya

qofbaa barashada horaba
qanciya maankaaga gala
misana aan kuu qalmayn
qamuumiyo ciil ku bada

adoo qoomamada dareen
qalbigu kula ooyaya
hadana qarsataa dhibkoo
bishmaha qosol muujisaa

Exit mobile version