Dookh baa israacshee
Dumar tii usidatiyo
Raga deeqsigiisiyo
Waa kuwaa is doortee
Saxardiidiyo waa ikraan

Danta wada jirkiiniyo
Isku duubnidiinnaa
Damaashaad u dhacaayaa
Laba daawo wada dhigatiyo
Noqda aan lakala dilin

Duca waalid reer qaba
Hela ubad dadkoodiyo
Diintiyo dadkoodaba
Deeqo la daawado
Daa’im idiinku maanshee

Waa darajo guurkiyo
Ikraaneey dulqaadiyo
Dabacsani ogsoonoow
Say lagu daydoo wacan
Saxardiidna kuu noqoy

Dookh baa israacshee
Dumar tii usidatiyo
Ragga deeqsigiisii
Waa kuwaa isdoortee
Saxardidiyo wa ikraan

Danta wada jirkiiniyo
Isku duubnidiinnaa
Damaashaad u dhacaayaa
Laba daawo dhigatoo
Noqda aan lakala dilin

Duca waalid reer qaba
Hela ubad dadkoodiyo
Diintiyo dadkoodaba
Deeqo la daawado
Daa’im idiinku maanshee

Waa darajo guurkiyo
Ikraaneey dulqaadiyo
Dabacsani ogsoonoow
Say lagu daydoo wacan
Saxardiidna kuu noqoy
Sms sms sms sms…….

Exit mobile version