Dhidibada kalgacaliyo
Wuxuu qoys dhismaa
Marka laba is dhaarsaday
Caashaqa wada dhadhamiyaan
Dhaayahan is doortee
Dhaxamaha ka hoydaa
Raaskooda dhisayaa

Dhugashada jacaylkiyo
Wuxuu xiiso dhumuc lihi
Dhudhun xoogan yeeshaa
Markay laba is dhawrtaan
Dhaayahan isdoortee
Dhaxamaha ka hoydaa
Raaskooda dhisayaa

Exit mobile version