Anoo qabin dhibiyo hawl
Dhudhun aan ka jabinoo
Aan dhaawac igu ool
Yaan dhaqaaqa diidaaa

Dadka unba dharaartii
Dhaayahayga aragtida
Inteey dhoowri waayaan
Jidka igaga dheelmada

Jacaylkuba dhawaanshiyo
Isu dhagalugnaantiyo
Dhunkashiyo heesiyo
Dhuunigiisu waa ubax

Erayada qalbiga dhaya
Ee dhaliya xiisaha
Iyo waana dhaxal gala
Iyo weeyaan dhadhamada

Nafta kaan udhiibtee
Oogadayda ruuxiyo dhidba
U ahaaayoo
Adaan kugu dhadhabayaa

Jacaylkuba dhawaanshiyo
Isu dhaga nugleentiyo
Dhunkashiyo heesiyo
Dhuunigiisu waa ubax

Exit mobile version