nin ku gooba gabadh yahay
haka goosan hadalkiyo
gacaltooyo weheshiga
sida geel ugu olol
sida gaadhka ugu samir
sida gaari ula dhaqan
waxba haysasii godin
haygu saydhin gacantee
aan garawsho kaa helo

kulankeenan galabta ah
kalgacaylkan kugu galay
ma garwaaqsan gaban yahow
beryo sheeko ilagodol
beryo xiiso ila gunud
niyadayda gogol dhigo
daddag guurku kuma sama
gacan qaadka kuma dhaco
gafna maaha barashadu

inta guudka dabatiyo
gabdhaheenan farabadan
adaan kaaga golongolay
oon kaaga soo go,ay
kalgacaylka ila garo
midhiihiisa ila guro
guri rays leh ila dadab
waxbay haysasii godin
haygu saydhin gacanatana
aan garawsho kaa helo

geedigaygu sahan li,i
inuu guuro ma ogoli
gurgurshaana uma rabo
gurda raaaca kama helo
garab saarka kama tago
kedis guusha haw filan
degdeg guurku kuma sama
gacan qaadka kuma dhaco
aan sal gaadho barashada

Exit mobile version