xoguun lama dawariyoo
xinka laguma naaxee
inaad qofuun xagxagatiyo
xurgufiyo war mooyee
kol hadaanad xanaftiyo
ka ilbixin xumaatada

oo aan xaqdhawriyo
anshax iyo xishoodiyo
xukun lagugu fuliyo
dadka kaa xadeeyiyo
waxaad xeerisaan jirin

xuub lagu dabooliyo
xidid ma laha beentuye
xaqiiqada adoon qarin
igu xamo waxaan ahay

xaajo aanad gali karin
nafta looma xaytee
xay iyo hadaad tahay
qof xiskiisu taam yahay
xaafadaha sirtoodiyo
xaasaskiyo ragaa is qaban

lama xaal ogaadooo
xiqdi iyo nacayb iyo
xajiin lalama doontee
lama ximiyo eheladee
jacayl xaasidbaad tahee

Exit mobile version