VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ildoogsi - Lyrics

Sidaa tahay ugbaad Ilays soo bixiyo Iftiin nuurayaa U tahay qalbiga Adaan kula farxaa Aawadaa naxaa Axad baynu nahay Ax mar wada idhaa Inanyahoow indhuhu Aragaaga wacan bay Ku ildoogsanaayaan Inanyahay qalbiga Adiga dagoo Naftu ku istareexdaa Allaylahe ugbaad Waxaa tahay udgoon Naftu aamintayoo Ishu daawanaysee Ila qabo adaan Kalgacalaan dhamaan Laabta kuugu haystee Sidaan kuu aqaan Inaad aayad tahay Awliyo dhalayoo Amran baan ogaadoo Uurkiyo bogaa Muxibada u furoo Waan ku aaminee Sidaa tahay aynigaa Kaan ka eeganaayee Aan ku oon baxaa U tahay qalbiga Sida ubax qurxoon Midaan aragtidiyo Eegmada kalgacal Aan ku uursamaadaa Aqligii ragoow Bal ogoow naftayda Adigaa anfacayee Aqligii haweenkaay Bal ogoow naftayda Adigaa anfacaye Anshaxoow aawadaa Anfacadii ka go,ayee Anba kula mid baan ahaye Loveey la,aanta Indhuhu saw ma ooyaan Alleylahe ugbaad Waxaad tahay udgoon Naftu aamintayoo Ishu daawanaysoo Ila qabo adaan Kalgacal aan dhamaan Laabta kuugu haystee Sidaan kuu aqaan Inaad aayad tahay Awliyo uu dhalayoo Amran baan ogaadee Uurkiyo bogaa Muxibada u furayoo Waan ku aaminee
Queue is empty
-- / --