adaa igu dheere
hadaan kugu dhaato
markaad i dhex qaado
miyaad dhita caashaq
halista igu dhaafi

inta aad dhaqan guurto
hadaanad dhab dhab moodin
hadhaw dhalanteedka
anaa dulka hooyo
dalxiis ku dhex gayni

dadba dhamac beera
dhibteena ku fogan
jacayl dhaxal yeesha
inaan dhisno diidan

dhexdeenu ma qaado
kuwii dad is dhawrta
dhantaali ogaaye
dhagahaan ka furaysan
dhamaan nacabkeena

intaan dhabta saaro
kii aan la dhameeyoo
hurdana dhinac seexdo
dheegoow adi weeye

dhexdiyo xubnahaaga
inaan ku dhagnaado
naftaan ka dhargayne
dareenka dhashaa
meel buu i dhuftaa

Exit mobile version