Jacaylka xiskayga
Xuskiisa ka guuray
Xalkiisa ha raadin
Naftayda xagaaga
Xurmaynta ka wayday
Hadaanad xumaynin
Xidhiidhka hungoobay
Xujada ma muteen
Markaad xubigeen
Kashaada ka xoortay
Ayaan ka xoreeyay
Naftaydii kuu xidhnayd

Jacaylka xajiinta
Xiligu dhaxalsiiyay
Xusuusta ka reebo
Wanaagad u xiistay
Hadeer xeerinayso
Horaad u xabaashay
Adoon is xanaajin
Jacaylka xambaaro
Markaad xubigeena
Kashaada ka xoortay
Ayaan ka xoreeyay
Naftaydii kuu xidhnayd

Exit mobile version