jidka dheere ku maray
jirid bahal ku hoos jiray
jalbiiskuna ku maran yahay
kuu jiidhay adige
kana joogin waayahe

jeedal dheere caashaqa
jabal igu haleele
marna igama jabayo
adaan kuu jirabanahee

ogow waadajirkeena
caqli adi kuu jeda adiga
kaa keedsan waayo
jiradana i baday ani

wala jiida ruux ku jecel
jiirta laga baxshoo
lama jaro wanaagi
jalka lala ogaada

qalbiga la tahay jaar
iyo jiidhka igu yaal
nafta jamashadeedo
janaa ii hilaacdo

ogow waadajirkeena
caqli adi kuu jeda adiga
kaa keedsan waayo
jiradana i baday ani

Exit mobile version