Kadeed caashaq
Caashaq baa kaar igu hayoo
Igusii kordhaayoo

Ma kaaftoominoo
Kaftankii bilnaa
Ma illoobi karoo

Kaskayga ifarayoo
Koolkoolintuu abid
Ku koraa jacaylkuyee
Kaalintaada ila qabo

Kurbadiyo dhibtaan
Kashka iga gashee
Kalgacayl i baday
Kaalayoo qalbiga
Kohashada kareeb
Aan is kaafinnee

Kaskaygaa ifarayoo
Koolkoolintuu abid
Ku koraa jacaylkuye
Kaalintaada ila qaboo

Exit mobile version