milgahaygaad kala mirataa
maalin iyo layl muusanawdee
marxabaysii

miyirkaygoow nafaad mirataa
kugu maqanoo muraaqootee
murti dhaxalsii

mugdi ii dumay qorax moostaay
kaama maarmoo midaan kula simo
marna maan arag

rajo muran gashay muftaaxdii
murug maydhoow milyan ruuxbaad
ka mug wayntahay

midigtaydaay ii miciintaay
nolol mur ahayd maleebaayaay

maankaygow raga maantaad
ugu mudantoo u masuul tahay

maamuus iyo hadaan mansab gaadhnay
RABI mahad sii

maskax kuu diran la midooboo
la mataanow

Exit mobile version