Nacas yaa jeclaan jiray
Nabdigiisa geli jiray
Yaa nasteex ka dhigan jiray
Niyaddiisa siin jiray

Yaa naqaysan jiray ruux
Adigoo dartii nugul
Hadallada nuxuustaa
Sidan adiga kula dhaca

Qadaaxa naftaydaay
Qalbi naani dhagaxiyo
Qof nacaybka doorbiday
Haka sugin naruuree

Nacas yaa jeclaan jiray
Naxariis ka fili jiray
Yaa nin moodi jiray raga
Naf laqaybsi bidi jiray

Maxaan kuugu nabanahay
Ma naas baad isiisaa
Mise waxaan ku naaxaa
Hungadiyo nitaaqada

Qadaaxa naftaydaay
Qalbi naani dhagaxiyo
Qof nacaybka doorbiday
Haka sugin naruuree…

Exit mobile version