ilo biyood iyo arag barwaaqo ah
ubax ku yaaloo udgoon sidiisaan
udgoon sidiisaan ku indho kuushaa

agtiisa uunbaan nasteexo ii loo
ku uurqaboobaa
ayaantaan ku waayana umul jacaylban
la aamusnaadaa

uliyo diirkeed inaan ahaanoo
aayo yeelanaan EEBE ka tuugaa

asal asal dhaladoow nasabow axmadow
dhaayaha u roonow wadnahaad ku dhigantoo
dhabtii kaama maarmee axmad kaama maarmee
caashaqa dhabtii ma dhamaado
ma dhaxmoodo dhibtu ha i daysee
kol isaar dhabtaada

hadaan adkaynay jacayl abqaalnay
naftaa ilowday walwal abaaroo
farxad ilmaysay
adaan asaagaa ragba kaa eegtoo
waheey adeecaa
ayaantaan ku doonana iftiin jacaylbaan
ilays u daaaraa

Exit mobile version