Maxaan halasaha kalgacal
Haydaartay dhibtiisa ba’an
Qarsaday hagardaamadii
Huqdii beerka igu qabay

Muxuu halacsiga hubiguu
Humaag ii loogayoo
Hankaygu qofaan i rabin
Naftayda usii horkacay

Nasiiib ii hiilliyaa
Hiddaydu ku raystoo
Habeenkalee ii dhigtee
Wanaag iimaad hanbeeyn

Maxaan hurgumada cishqiga
Inaan hadal qaaday iyoo
Hawraarta kamaanacoo
Indhaha hoos kaaga rogay

Hafeeftii markaan kaladay
Hansiga ruuxii kasbadaa
Hubaal kama baaqsadee
Adkayso hadduu ku helay

Nasiiib ii hiilliyaa
Hiddaydu ku raystoo
Habeenkalee ii dhigtee
Wanaag iimaad hanbeeyn

Exit mobile version