Nacas yaa jeclaan jiray
Nabdigiisa galin jiray
Yaa nasteex ka dhigan jiray
Niyadiisa siin jiray
Yaa naqaysan jiray ruux
Adigoo dartii nugul
Hadalada nuxuust ah
Sida nadiga kula dhaca
Qaado xaal naftaydaay
Qalbi naani dhagaxiyo
Qof nacaybka door biday
Haka sugin naruuree

Nacas yaa jeclaan jiray
Naxariis ka fili jiray
Yaa nin moodi jiray raga
Naf la qaybsi bidi jiray
Maxaan kuugu nabanahay
Ma naas baad isiisaa
Mise waxaan ku naaxaa
Hungadiyo nitaaqada
Qaado xaal naftaydaay
Qalbi naani dhagaxiyo
Qof nacaybka doorbiday
Haka sugin naruuree

Exit mobile version