dhalaanka dhabarkaagiyo
sintiyo dhooldhoolintaada
saluugee dhago adkaada
dhulkaa la dhigaa mar qudha
dhibtiisa ha soo arkee

dhawaaqiyo yeedhmadaada
ruuxii dhaadee maqlaayee
ayaa lagu dhiiradaaye
qof xun arag ku dhaaf

adoo dhawraaya axdiga
jacaylka ku dhaadanaaya
qofkii kuu raba si dhaba
u dhiib adiguna naftaada

dhaawaca ruux kaa jiriyo
dhibtiyo nabarada kalgacal
dhaliishana kula jeclayn
dhabuu kuu doonayaaye
ku dhaado sidiisa yeel

dharaarihi kaa tagiyo
dhacdiyo maalmihii ku dhaafay
xusuusihii dhaawacooda
ku dhaaf kalgacaylka maanta

Exit mobile version