Hididiiladeena
Hugo raadinteen
Arag hanashadeena
Kalgacayl abaaray
Ku ildoogsigeena
Isa siiya guusha
Waa ugub jacayl
Aqbalkaad isiisay
Hoo aaminkiisa
Ilwaad quruxoow

Eegmada jacaylka
Iimaansigeeda
Anfac wada cunkeena
In la isii adkeeyo
Isla garashadeena
Ina siisay aaran
Kala ooli waayay
Aqbalkaad isiisay
Hoo aaminkiisa
Ilwaad quruxoow

Exit mobile version