VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Xeerkii gobta ft Simba mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Asma Love
Xeerkii gobta ft Simba

asal xuural cayn
xalaal dhalad gobaay
tan ku xiran kashee
ku xadraysataa

kii la ii xulaay
xaq u yeeshayoo
xubbi aan gureeyn
ila xoojiyooo

kula xoojiyoo
ma xumaynayee
adiguna xushmee
waa xeeerkii gobtee

xurma dhaqankii
oo xilkaskaygiyoo
xeel dheeridaa
xikmad badinaa

weey xero galnee
rabbibaa xukumee
siduu xaal noqdaan
ku xamdiyee mcneeey

weey xero galnee
rabbibaa xukumee
siduu xaal noqdaan
ku xamdiyee macaanoow

waa xariir dalkee
oo xareed cabtee
xarakaad badanaa
xadxadtoodayee

xubna wada dhashaa
iska xiga dadkoo
weey isxeeriyaan
waana xal wadaag

i xasuusisee
show xulkii haw3n
xeebihii dalkeeyga
iga wada xigaan

nin waliba xeeruu
ku xurmaysanyahee
xudubuhii wacnaa
maka xaadirnaaa

weey xero galnee
rabbibaa xukumee
siduu xaal noqdaan
ku xamdiyee mcneeey

weey xero galnee
rabbibaa xukumee
siduu xaal noqdaan
ku xamdiyee macaanoow…

codkii Asma Love, Guleed Simba