Mursul Muuse

Qaraar iyo macaan
nafta sheey ku qaaliya
Miduu yahay qiyaastii
quud aadan cunin wali
ama gaajo ku qaban
qofku qofku show
ma garan karo

Asma Love
Qumanoow galgacal baa
anoo caafimaad qaba
filan waa ka qaadee
qalbigeeyga daashaday

Mursal Muuse

Inaan qariyo boogtiyo
qayla dhaan inaan diro
walli maan qorsheeynine
yaa ku baro dhibtaan qabo

Asma Love
Inaan qariyo boogtiyo
qayla dhana inaa diro
wali maan qorsheeynine
yaa ku bara dhibtaan qabo

Asma Love
Midka qoomameeyo
qosol iyo farxad badan
Miduu quus kku reebaba
kol hadaadan qancin wali
xalna kaa qarsoonyahay
qiiro qiiro kama gam’ayside

Mursal Muuse

Qumaneey mar hadii aan
kuu quuray teydoo
ku khatalay daraadaa
goormaad i qaabileeysaa

Asma Love
Inaan qariyo boogtiyo
qayla dhana inaa diro
wali maan qorsheeynine
yaa ku bara dhibtaan qabo

Mursal Muuse

Inaan qariyo boogtiyo
qayla dhaan inaan diro
walli maan qorsheeynine
yaa ku baro dhibtaan qabo

Exit mobile version