ubax dharabiyo
rays ku dhaashtay
dhool daruuriyo
sagal ku dhafan
cadceed dhacaysana
dhan ka haysaa
dhabeel goba iyo
gaari dhaladaay
wax dhaliili
kuma dhuumane
dhamaystiraneey
waa lagaa dhilay
marwa dhaqan loo
qurux dhaqashaay
dhuux xariiro
dhexdu sacab iyo
dhuub mugii tahay

dhigeed aadmiga
geenyo dhaaftoo
hooyo dhawrsani
dhabta saartoo
muftigii dhalay
ku dhaadanaayaa
xubno dhumuc loo
dheeli tiraniyo
dhaayo naxariis
wax u dhawrtiyo
dhaga nugul baa
dhudi kugu yaal
marwa dhaqan loo
qurux dhaxashaay
dhuud xariiroo
dheemana tahee
dhexdu sacab iyo
dhuub mugii tahay

Exit mobile version