inantaan hablaha ugub arligani ku nool
aan ka aaminee aan amaanayay
ubax nuurayoo ka ag baxay xareed oon ilaashadaay
aroor hore eedaanka subax wadaadkoon adimin
duco waxaan akhriyay albaabada u furay
alle barigii aan waday inaan adi ku helay
ma ogtahay ilwaadeey

inankaan aduunyada aadmiga ku nool
aan ka aamineen aan uur samohoow
ilayskii ragaba iga deeqee alle igu simoow
aroor hore miday awliyaad aadmigu hurdaan

inanu ayaankiyo iimaankiyo alle igu simee
aan ishaarayeey aayaha danbiyo axdigeena dhaw
ka ilaali nacab

inankaan aqoontiyo ereyada dadnimo
ku abaystayee ehel uga go oow
ayaan iyo nasiib kii igu simoow ii roonidaa

Exit mobile version