hooy bullooy
wiilashaa in dhahaygu waa wajeer iyo gaaris
waxa maanka ku yaalaa waa mug waynka jabuuti
niyadaydu waqeedba waa mid joogta hargaysa

qalbigaygana waadix xamar weeyi rugtiisu
wabigayga jubadiyo waan u jeelay kismaayo
bay dhabaa waligeedba garaadkayga ku wayne
dhagtu weedhay maqlayso taleexbaa u wanaagsan

garaadkayga ku waynaa waaladii balad wayne
farxad aan ku wacnaado shiniilaa i waraabin
waxaan dhaafsado waayay awdal waadiyadeeda
xiskaygay la wareegtay gadowaana i deeqday

waaxyahaa dhiiga xanbaara baribaa ku wareegsan
naftaydaa siya waafi ugu weecsan garoowe
oo walwaaliyo faafan wadnahaa ku shaqeeya

Exit mobile version