oodohoo dharabaystay
dhibicna ku xalaystay
dhirtu meeray iska dhayi
dhul barwaqo ka muuqda
dhaayahayga sidiisi
ahmed sow kuma dheehan

wacaday sida dhaydaa
dhabankaagan hilaacay
habeenkiina dhalaala
dharaartiina ifaaya
maryan sow kuma dheehan
dhaayahayga ma jiidan

saddex loo dhigi waayay
ragna wuu isku dhaafay
iidhiibiyo iidheh iga
dhowr adiga leh
oo dhaliil li idaada
dhiiranow kugu dooratay

saddex gaari ku dheehan
dumar uu isku dhaamo
ila dhaq iyo reer dhis
hanti dhowr adigaa leh
oon dhamaystiratiiye
dhag nugayl kugu doortay

ma dhamaado jacaylka
ka abuurmay dhexdeena
marka an dhidibkiyo
dhigta aad ugu soohnay

dhaqankiyo hidaheena
arooskani ku dhitaysan
dhiganayee farxad daajiyo
waa dhiilkii nolosheena

awlaad aan dhabta saarno
calaf nooga dhig eebow
quwadiisa ku dhowrsoon
calaf nooga dhig eebow
dhaqankooda aan ibee
calaf nooga dhig eebow

Exit mobile version