hooy hooy hooy hooy hooy hooy
waxay cali sabiix caan ku tahay
hooy hooy hooy
dhul cagaaran cimilada haboon
hawo caafimaad oo carfi le

cari nabada oo cuudku dhalay
oo caano iyo nabad cudoon
cisho noolba lagu caano dhamo

dad ciseeya caadooyinkoo
dhaqan iyo cilmiba loo cuskado
casriga iyo cusaybkana yaqaan
ayay cali sabiix caan ku tahay

hablihii cabaadhyada lahaa
dhaclihiyo cunaabiga xidhnaa
ilko dabar casaana lahaa
camal sami xishoodka u lahaa
ayay cali sabiix caan ku tahay

orodyahanadii carari jiray
madaw iyo cadaan caabin jiray
calankana sare u qaadi jiray
cod kar iyo halyay aan cabsoon
ayay cali sabiix caan ku tahay

hooy hooy hooy hooy hooy hooy
waxaa cali sabiix lagu cabiray
sida casharka taariikhda ku cad
casku waa rugtii caaqilada

cartankiyo colaadii xornimo
waa cududihii ugu cuslaa
ee curiyay calankeena wacan

Exit mobile version