Canabeey Canabeey
Caafi iyo udkoonee
Ceenkayga aragaiyo
Cad wadnaha ku yaalaay

Cisi sharafiyo
Cawo iyo ayaanee
Ceeryaan deegaaneed
Cadceed soo baxeesaay

Siduu caadil kuu dhigay
Cindigeeyga deeqdoo
Nafta waa cajibaysaye
Hadaan caasi jiray canbay
Caawa yaanu kala kacin

Canabeey Canabeey
Cartan iyo colaadiyo
Ciil taan ku karinee
Caafimaad ku gobacdaay

Gabar kaa cudoon
Caro laguma sheeginee
Kaali oo carwadaan arak
Xamar aan kugu casuumee

Siduu caadil kuu dhigay
Cindigayga deeqdoo
Hadaan caasi jirin
Caawa yaananu kala kicin

Exit mobile version