Ayaamaha cisiga leh
Illaah caadil barakeeyay
Kuwa khayr ku caanee
Waxyiga lagu calaameeyay
Maalin carro laheynoo
Cad iyo farax la caadeestay
Subax ciida adigaa dhashiyo yoowmal carafaadee
Ogoow camal samaantaba
Hablahaa caaro dheer tahaaaye

Carshigeey ku taalaa
Sadkuu caadil kuu qoray
Hadii aan nasiib ku calmaday
Waa cawo illaahee
Carfi iyo udkoonkeda noqoo
Laabta kuu cugan

Nin waliba miduu dumar calmaday wey cudoontahayee
Ama taa hadan curiyo
Caawaba asteeyoo
Waa xaajo caano jaceyl malaha ceebaalee
dabax ii cuntama iyo gobnimo caadil kuu dhaliyee
Ogow camal samaantaba
Hablahaa caaro dheer tahaayee

Carshigeey ku taalaa
Sadkuu caadil kuu qoray
Hadii aan nasiib ku calmaday
Waa cawo illaahee
Carfi iyo udkoonkeeda noqoo
Laabta kuu cugan.

Waxaa soo diray : Bashiir Salaaad

Exit mobile version