natan dookhu hagayee
dabrayuu tigtigayee
dalanbaabi socotee
daalaa dhacaysaay
cidan aad u diran tahay
marka aad la daris tahay
aramidan ku daartiyo
sidu dooni uurkaagu
dib hadaad u liqiyoo
ilnugayl daraadii
dabnahaaga dhaafayn
maxaad ii dagaashaa
dabka iigu hurisaa
ood iigu daran tahay
igu diiday samirkee
maxaan kugu dabiibaa

naftan doogiyo abaar
dudadooda joogtee
weheshine dugaagee
damqanayni maqal
hoo iyo dan meel fili
hadal deeqi maayee
kol hadaad danyare tahay
dabrayoo xishoodkuna
carabkaaga damiyoo
cabirayn dan kugu ladhan
doqoniimo waa shile
maxaad ii dagasha
dabka iigu hurisaa
ood iigu daran tahay
igu diiday samirkee
maxaan kugu dabiibaa

Exit mobile version