dhibaatadu waa wax sheeg
adoo dheel dheelayoo
dhabada ka wara,ay marbay
dharbaaxadu kugu ridaa
dulqaad waa dhiil gobeed
habeen dhalad waa nasiib
dhameeyana waa alle
intaan dharagiyo qadarin
dhulkaygoow kaa helaaye
adaan kugu dhaadanoo
dhaqankaagan ku faanaya

ragbaa lehe dhabar adayg
dharaartaad liidatiyo
cishada ay kuu dhan tahay
nafyahay wada dhiiranoow
dhagxumo waa laga libdhaa
maamuus baa lagu dhagaa
dhameeyana waa allee
intaan dheragiyo qadarin
dhulkaygoow kaa helaayoo
adaan kugu dhaadanoo
dhaqankaagan ku faanayaa

Exit mobile version