daruurta sideeda hoori
ciida oo ay xareedu durduraysa
maan dayriyo dooga u muuqde

daryeela naftaydan daweeya
dabaysha jacaylka dugsiiya
dulqaad badan guur ila doona

dabacsan hadalkeedu i deeqa
dagaal iyo qaylo ma doona
dajiyo qalbigayga dabiiba

maanduda madula ma yeela
danbiyo xita duulka ma qaata
duntiyo sharftayda difaaca

dankaniyo xeebta daboola
u diran u diyaara naftayda
wixii i damqaaya dareen

dayaca iyo baylahda diida
danteeda iyo reerka u duuban
duuniyo rabi khayr kugu daahye

Exit mobile version