anoo kuu daacadoo
dadaalkaa adi ku jira
o inad dabacdoo
xumaato naftaada u diidaya
kula raba nolol daraja leh
iyo aqal dugsoon
dugsi nabada iyo reexan udgon
daawashada indhuhu daraandaran
cawo deriskaaga tahay
dag dag laguma helo
waxaan daa,in kuu qorin
iga daa doodiyo dhibtoo
danta ila garoo
dookh ila wadaag

dunida aadmiga ku nool
anoo dumarka kuu jecel
muunaay dahab iyo xariir
caleemo dushaada sudhay
doonaaya inaan daruuraha
cirkiyo dayaxaa ku geeyo
dadkaba sidaad kaga sarayso
ku daadahsho adiga lagu daawado
cawona deriskaaga tahay
dag dag laguma helo
waxaan daa,in kuu qorinee
iga daa doodiyo dhibtoo
danta ila garoo
dookh ila wadaag

Exit mobile version