Dhaaxaan aynigagiyo
Dumar kaa eegtayo
ka xigsady asagey

Axdigiyo wanaagiyo
Jacaylkaan abuurnay
Haddu wiiqmay,
wiiqmay awgeey

Calafbaa adeege
adoon uurka iga nicin
Utun iyo colaadiyo
Nabsi igu ilhaameyn
Kheybka aaminoo
Samir Nasiib kaama iilane
Anne adiga kuma nicin
Waase amar illaahay
ifka inaan isweynaa

Ifkaa labo iswaayayoo
Itaal uu gaboo
Kala oomay baa badan

Is afgarashadeeniyo nasiibkaa irdheyo
Aayaheenii, aayaheni gabay!

Hayeeshee aduunyadaa
Urugiyo dhib hays badin
Ugudbad utahay wali
Ayaankaagu kuu maqan
Kheybka aaminoo samir
Nasiib kaama iilanee
Anne adi kuma nicin
Waase amar illaahey
Ifkaa inaan isweynaa

Exit mobile version