Dhamays aan doortaay
Waxaad tahay dheeli tiran
Waxaad tahay Dhool onkoday
Hadaanay dhibica helin
Dhirtuba ubax dharab le iyo
Caleen qoyan may dhasheen

Hadaanad idhiir galin
Ama aadan dhinacayga jirin
Miyaaban dhaqaaqi laa
Dhidiga adigaa u wacan
Dhigaa ugu qiimo badan
Oo dhabaan adi kuu jeclahay

Dharkaan xidhanaayayee
Dhaxanta iga celinayaay
Intaad igu dhararantahay
Qayrkay waan dhaafayaa

Exit mobile version