samirkaygii dheera
guul ma dhalay
farxadaan ka sugi
saw ma dhicin
saw dhaayo uroon
iima dhixiin

dhaxaad nimcoy
dharar iyo habeen
igu dhararsanyd
dhaxan hurdada
dhuuniga u nacay
dhoolay dartaa

maantaba dhib iyo
walwal iga dhamaa
dhan kastaba farxadi
way ii dhantahay

hoobalay heele sidiri gam
way ii dhantahay

dhalaleey nimco
dhawrsoonidaa
dhaqankiyo anshaxa
waad ku dhaadatee
dhaban iyo quruxna
waad u dhalatayoo
dhexyaray adaan
kuu dhameeyay sharaf

igu soo dhagoo
igu soo dhawoow
dhaatiyo ciyaar
farxad igula dheel
labadeena dhaban
isu dhereriyo

Exit mobile version