Dhulkeeygoow

Dhibaatadu waa wax sheeg
Adoo dheeldheelayoo
Dhabada ka wara’ay marbey
Dharbaaxada kugu ridaa..!!

Dulqaad waa dhiil gobe’e
Habeen dhalad waa nasiib..!!

Dhameeyana waa Allee
Intaan dharaagiyo qadarin
Dhulkeeygoow kaa helaayo
Adaan kugu dhaadano
Dhaqankaagana ku faanaya..!!

Rag baa lehe dhabar adeyg
Dharaartaad liidatiiyo
Ciishada ay ku dhantahay
Nafyahay wada dhiiranoow..!!!

Dhag xumo waa laga liibdha
Maamuusba lagu dhagaa…!!

Dhameeyana waa Allee
Intaan dharaagiyo qadarin
Dhulkeeygoow kaa helaayo
Adaan kugu dhaadano
Dhaqankaagana ku faanaya..!!

Exit mobile version