haduu fad hilaac ku toozo
ma qariyo falaadhihiisa
halyaygii faras wataa
fagaaraha lagama waayo
2x
ana fooraha kalgacal
faybuu ii qaatayoo
haweenka faraha badan
midan zheekada u furay
fariimaha u diray
inay fulitaan ku wada
2x
faceed foosiyaa ka roone
filkeed midan ka doortaay
adan kugu faanayaayoo
adan farxad kuugu baaqee
ahaw marwo igu filnaata
2x
hadii fadhiyada golaha
barbaarta fadal cadii
fiid ay ku kulmaan caweys
faliyo ma huraan cayaar
2x
anigana faayadeyda
markan fiiriyay dhamaan
intaan ka filaayo gursan
midan firfircooni biday
hawlaha caashaqu na faray
inay fulisan ku waday
2x
faceed foosiyaa ka roone
filkeed midan ka doortaay
adan kugu faanayaayoo
adan farxad kuugu baaqee
ahaw marwo igu filnaata
2x

Exit mobile version