halis weeyi ruuxuu jacayl taabtayoo helaye
jiif haleeli maayo hurdada wuu ku haajiriyee
aniguna intaasaan haboon haybi leeyahee
hankaygiyo maankaa la jira timo haldhaaleeye
hiyi kacay darteedoo qalbigu way halwanayaaye
hadalkay tidhaahdaan dareen sii hinqinayaayee
boogihii horeeyay u tahay daawo loo helayee
guri hodanaa lagu korshoo hobalin hobalin hoobeeya
lagu korshay ku hanaqaaday hobalin hobalin hoobeeya
hobyo iyo cadaaday ka timid waana la hubaayee
hidihiyo astaanteedu waa dhaqankii hooyaadee
nin hantiyay yartaaba nasiib hoodo kaashadayee
hiyeeyo hiyeeyo hoohoo hiyeeyo
hiyeeyo hiyeeyo shib dheh hiyeeyo

nin jacaylku heeryada dul dhigay hilayna uu saaray
oo uu hogaanshaan ahoo way i horkacayaayee
inantiii qalbiga hanataybaan haabo leeyahaye
habsamida tusaalaha caqliga garasho heerkeeda
deganida hufnaantiyo dabciga haybadiyo muuqa
lama helo metaalkeed kunkii waa hal oo qudha ee
hoodaale weeyaan ninkii ay la hoyataayee
guri hodanaa lagu korshoo hobalin hobalin hoobeeya
lagu korshay ku hanaqaaday hobalin hobalin hoobeeya
hobyo iyo cadaaday ka timid waana la hubaayee
hidihiyo astaanteedu waa dhaqankii hooyaadee
nin hantiyay yartaaba nasiib hoodo kaashadayee
hiyeeyo hiyeeyo hoohoo hiyeeyo
hiyeeyo hiyeeyo shib dheh hiyeeyo

Exit mobile version