VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hala dhiso qaranka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Awaale Aden
Hala dhiso qaranka

tubta maanta
ay taagan tahay
waa turxaan bixine
talaabada aan qaadnaana
waa toosin hawlaha eey
tusa talada shacabkoo
sharcigan toobiyaha saara
tolay,ayda qabiilkiyo
ka baxa waxaan tisqaadayne
tawqiifta khayrka leh
waa lagu tanaadaaye
tahriibaa bulshadan
lagu tirtirayee
tabadii naafeeyee
tilmaamahaa colaada leh
tuura oo naca eey
tuurta calanka saarta
tiirsha qarankeena
qof waliba wixii uu taraa
loo tirinayaaye

tawstiyo xanuunkaan marniyo
tacabir iyo ciilkii
marba meel bay taagan tahay
maanta waa tab kalee
u tusmeeya qarankoon dhisniyo
taani inaan maalno
dhalintana tusaale ay dhaxlaan
waa in looga tago
hooyada tawaawacu ku dhacay
waa in loo taliyoo
qarankii tisqaadyee talaabsayee
raboow nala tiiriyeey
tamar iyo xoog iyo tayiyo
tiir adag u yeeleey
tuurta calanka saartoo
mar qudha tiirsha calankena
qof waliba wixii uu taraa
loo tirinayaaye

codkii Awaale Aden